Beri ma Ramadaan baa? (Maxkamada sare ee Sacuudiga oo War ka soo saartay)

Guddiga raadinta Bisha Ramadaan ee Sacuudiga oo uu madax u yahay cirbixiyeenka Dr. Abdullah Khudairi ayaa sheegay in la waayay caawa bisha Ramadaan ka dib dedaal dheer oo ay sameeyeen.

Saraakiisha Maxkamadda sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyana sheegay in la waayey bishii Ramadaan, lana buuxinayo beri 30-ka Shacbaan.

“Bisha Shacbaan 1444 waxay ku dhammaan doontaa 30 maalmood, bisha Ramadaan 1444 waxay bilaabmaysaa Khamiista, Maarso 23, 2023” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamada sare ee Sacuudiga.

Qaar ka mid ah khubarada ku xeeldheer Cilmiga xiddigaha ayaa horey u sheegay iney adag tahay in bisha Ramadaan la arko caawa, waxayna xuseen in maalinta Khamiista ah ay bilaaban doonto bisha Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -